Askarta magaalada oo rondo ku jira
Image captionAskarta magaalada oo rondo ku jira
Magaalada Guadalajara ayaa waxay ku taallaa dalka Mexico waxaana marka aad gasho magaalada ku arkaysaa tobanaan dhismo oo ay hortooda yaalaan boorar ay ku qoran yihiin ''waa iib''.
Dadka deegaanka ayaa bishii May bilaabay inay guuraan ka dib markii booliska ay waddo ka heleen meydad qurmay.
Bishii la soo dhaafay qof la afdubtay oo soo baxsaday ayaa booliska u tilmaamay adareess kale oo ku yaalla isla waddadaasi, waxaanay ka dhex heleen meyd iyo 3 madax.
Ilaa haatan, sannadkan in ka badan 15 qof ayaa la dilay waxaana sidoo kale laga helay magaalada xabaalo oo qaarkood ay ku jireen tobanaan madaxyo bini'aadan ah.

'Waad dareemi kartaa cabsida'

Waa sheeko cabsideeda leh, sababtoo waxay ka dhacaday waddan dad ka badan 40,000 kun oo qof la waayay halkii jaan iyo cirib ay dhigeen tan iyo sannadkii 2006-dii.
Dadka deegaanka ayaa inta badan ka baqa inay booliska ku war geliyaan filcillada laga shakiyo
Image captionDadka deegaanka ayaa inta badan ka baqa inay booliska ku war geliyaan filcillada laga shakiyo
Marka burcaddu ay dadka ku aasayaan dhismooyin gaar ah, waxay maraan tallaabooyin sharciga indhaha tiraya.
Haatan dadka xabaalaha qoda waxay u baahan yihiin baldoosyo sabatoo waxaa dhamaaday waqtigii la isticmaali jiray majarafadaha oo meeydadka ayaa batay.
Aamusnaanta dadka deegaanka ayaa xaaladda sii murjinayso, inkastoo ay jiraan dadka yar oo mar-mar booliska u soo sheego inay maqleen qeylo iyo cabaad ama urta meydadka qurmay.
Tan iyo markii Mexico ay hawl gelisay ciidamo dheeraad oo la dagaalama maan-dooriyaha sannadkii 2006-dii, waxaa la helay xabaalo wadareedyo oo dadka argagax iyo cabsi ku beeray.

Xabaale u qodista meydka

Guud ahaan Mexico, waalidiin niyad jabsan ayaa isku hawla aasidda qeybihii ka hara dadkoodii lala'aa.
Guadalupe Aguilar 8 sanadood ayay baadi goobka wiilkeeda ku jirtaa
Image captionGuadalupe Aguilar 8 sanadood ayay baadi goobka wiilkeeda ku jirtaa
Guadalupe Aguilar ayaa wiilkeeda José Luis Arana, baadi-goobkiisa ku jirtay tan iyo markii la waayay sannadkii 2011-kii.

Magaalo dagaal

Sarkaal boolis ah oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in laba koox burcadeed ay ka dambeeyaan xasuuqa dadka reer Guadalajara.
Tan koobaad waxaa la yirahdaa New Generation cartel (CJNG), taas oo ay dowladda u aqoonsantahay koox burcadeedka ugu awoodda badan dalka.
Tan labaad waxaa lagu magacaabaa Nueva Plaza taas oo 2017-kii ka goosatay kooxda CJNG, waxayna taasi keentay inuu cirka isku sii shareero khalalaasaha magaalada.
"Burcaddaan ayaa waxay guryaha ka kiraystaan milkiilayaasha oo aan warba u hayn waxa loo isticmaalayo guryaha ay kireeynayaan," ayuu yiri sarkaalka.
Mid ka mid ah guryaha magaalada oo ay boolisku meeydad ka dhex heleen