Breaking News

Waa la tarxiilayay balse diyaaraddii ay saarnaayen ayaa lagu amray inay degto'' 1 Sebtembar 2019 La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan WhatsApp La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Twitter La wadaag

''Waa la tarxiilayay balse diyaaraddii ay saarnaayen ayaa lagu amray inay degto''


Qoyska la tarxiilayayLahaanshaha sawirkaHOMETOBILO/TWITTER
Image captionQoyska la tarxiilayay

Dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ee dalka Australia ayay u suuro gashay inay hakiyaan tarxiilkii saqde dhexe ee lagula kacay qoys magan-gelyo doon ahaa.
Tallabaadan ayaa waxay suuragelisay in markii ay hawada galeen Nadesalingam, Priya iyo labadooda gabdhood lagu amray inay diyaaraddoodii lagu amro inay caga dhigato ka hor inta aynsan gaarin dalka Sri Lanka oo loo musaafurinayay.
Kiiska qoyskan ayaa caro badan ka dhaliyay dalkaasi tan iyo bishii Maarso ee sannadkii tagay markii ay maamulka si khasab ah uga saareen gurigoodii oo ku yaalay Queensland.
Australia ayaa waxay Jimcihii difaacday go'aankeeda ay tarxiilasyo qoyskaan iyadoo ku doodeyso inaysan ahayn dad qaxooti ah.
Racfaanada dhanka sharciga ah ee isdaba joog ahaa ayaa sidoo kale guul dareystay

No comments