Faaidooyiinka mooska haddaa 2 xabo cunto wxaad heli...
Faa'iidooyinka Mooska "Cun 2 xabo oo Moos ah maalin walba".

Waa kuwan tiro faa’iidooyin ah oo laga helo cunista 2 xabo oo moos ah maalin walba.
· Wuxuu yareeyaa Niyad-jabka “Depression”:Moosku wuxuu yareeyaa heerka cadaadiska maskaxda ee ka dhasha wel-welka, walbahaarka iyo caloolyowga.
· Waxa uu daweeyaa gaasta : moosku waxa uu ka hortagaa gaasta iyo nabarada ku samaysma caloosha iyo mindhicirada. Sidoo kale moosku waxa uu daweeyaa gaasta iyo nabarada caloosha.
· Moosku wuxuu ilaaliya Tayada dhiiga:moosku waxa uu ilaaliya tayada iyo caafimaad qabka nudayaasha dhiiga. Cun 2 moos ah subax walba si aad uga badbaado dhiig-la’aanta.
· Waa u daawo calool istaagga:- Maadaama moosku leeyahay Baal “Fiber” waxa uu daweeyaa calool istaaga. Cun 2xabo oo moos ah maalin walba oo ka takhalus calool istaaga.
· Waxa laga helaa tamar “Energy”:- Mooska waxa ku jira 3 sonkorood oo dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaasoo ka caawiya jidhku inuu helo tamar ku filan.
· Wuxuu xoojiyaa lafaha:- Moosku waxa uu xoojiyaa lafaha. Moosku wuxuu fududeeyaa nuugista calcium ka oo ah maaddo lafaha u roon. Sidaa darted waxa uu lafaha ka dhiga kuwo caafimaad qaba oo xoogan.
· Wuxuu la dagaalama cudurada: Moosku waxa uu yareeya sumowga jidhka waxana uu jidhka ka nadiifiyaa wasakhda.
· Wuxuu kordhiyaa xusuusta: cunidda moosku waxay sare u qaadaa awooda xusuuseed ee qofka. Xaddi badan oo ah Maadooyina tryptophan, potassium iyo magnesium ee ku jira moosku waxay sare u qaadaan xusuusta.
· Waxa uu yareeyaa halista dhiig-karka:Moosku waxa uu yareeyaa halista qofku ku qaadi karo xanuunka dhiig-karka “Dilaaga aamusan”. Maadaama mooska ay ku yartahay maadada Sodium isla markaana ay ku jirto Potassium badan wuxuu 10% yareeyaa halista dhiig-karka.
· Wuxuu isu-miisaama dheecanada jidhka “hormones”: mooska waxa ku jira xaddi badan oo maadooyinka Potassium iyo Vitamin B6 kuwaasoo u roon soo saarista xadiga dheecaan walba ee loo baahan yahay.
· Wuxuu caawiya Luminta miisaanka dheeriga ah: Moosku waxa uu sahlaa saarista iyo luminta baruurta aan loo baahnayn ee jidhku kaydiyo.
· Moosku waxa uu yareeya xanuunada maskaxda: xaddi magnesium ah oo ku jira Moosku ayaa yaraysa xanuunada ku dhaca maskaxda sida Alzheimer’s ka iyo Parkinson’s-ka.
Moosku waa qudaar qiima ahaan jaban asee faa’iido weyn uleh caafimaadka iyo faya-qabka. Cun 2 xabbo oo moos ah maalin walba oo hel faa’iidooyinka caafimaad ee ku xusan. Jooji Qaadka iyo sigaarka oo cun qudaarta uu u horeeyo moosku.
Qudaarta cagaarani waa furaha caafimaadka iyo fayaqabka. Qaadka iyo sigaarkuna waa furaha cudurka iyo caafimaad darrada.