Breaking News

7 Faa’iido Oo laga Helo Isticmaalka Liin Dhanaanta

Dad badan ayay la tahay in liinta isticmaalkeedu aanu waxtar kabadan  lahay in xilliyada la cuntaynayo cuntada lagu tuujisto si dhadhanka ay kor ugu qaado iyo inaad marka haraad farabadan aad dareento biyo aad ku qasato ood cabto si ay haraadka kaaga biiso. Laakiin miyaad ogayd in nafaqada liinta kujirta ay qani kutahay vitamin C, inay  jirka ka difaacdo suntan soo galaysa (antioxidant) iyo inay leedahay faa’idooyin caafimaad oo badan? Waa run—nafaqada liintu waxay yaraysaa khatarta dhagxaanta kalyaha iyo inay disho unugyada kansarka, waxaan kahadlayna biyaha liinta leh, saliida laga tuujiyo liinta iyo midhaha liinta laftooda oo la cuno.
Isticmaalka liinta waa u ka balaadhanyahay in jikada uun loo isticmaalo. Liinta waxaa loo isticmaali karaa; inay bilicda timaha kor uqaado iyo inay caawiso maqaarka.
Haddaba diyaar ma utahay inaad wax badan ka barato khudaartan awooda badan leh? Sii akhri si aad u ogaato faa’iidooyinka liinta .
 Halkan hoose ka akhri 7 faa’iido oo ay inoo leedahay lin dhanaantu;
1.       Kor uqaadida difaaca jirka: Liintu waa ilo ku fiican Vitamin C, nafaqo muhiim u ah difaaca jirka. Qiyaastii  cadad isku mid ah oo Vitamin C ah ayaa kujira Liin-dhanaanta iyo Liin-macaanta.
Waxa kale oo liin dhanaanta ka buuxa antioxidants,kaaso caawiya in jirku la dagaalamo ololka korna u qaada difaaca jirka. Cilmi baadhisyo la sameeyay ayaa lagu ogaaday,haddii jirku helo Vitamin C ku filan inay yarayso mudada iyo khatarta infakshanka ku dhaca neef mareenka, waxaa kaloo ay caawisa ka hortaga malaariyada iyo shubanka.
2.       Kordhinta Caafimaadka Wadnaha:  Xanuunada wadnaha ku dhacaa waa kuwa ugu badan ee sababa dhimashada dalka maraykanka, waxaana lagu qiyaasay 92.1 milyan oo qof inay qabaan nooc uun kamid ah xanuunnada wadnaha.Haddaba, mid kamid ah faa’iidooyinka waaawayn ee liin dhanaantu waa siday u saamayso caafimaadka wadnaha. Waxaan ku mahadinaynaa cadadka badan ee Vitamin C ee kujira,haddaad inyar oo kamid ah dhanaanka ay leedahay khudaartani ku darsato cuntada toddobaad kasta,waxay caawin doontaa caafimaadka wadnahaaga iyo xooganaantiisa. Daraasad lagu daabacay Journal Of Nutrition and Metabolism 2014,ayaa lagu ogaaday in haddii maalin kasta  socod la sameeyo  lana cuno liin dhanaan ay yarayso dhiig karka.
3.       Waxay Caawisaa ladagaalanka kansarka: waxaan soo sheegay in liin dhanaanta tahay antioxidanta ( ka ilaaliso sunta jirka galaysa ), waxaa hadda yaab noqotay in daraasado lasameeyay ay kasoo baxday in khudaartani waxtar uleedahay inay disho unugyada kansarka.
Daraasad dhawaan laga sameeyay sacuudi carabiya ayaa lagu ogaaday in liin dhanaanta oo la isticmaalo ay disho unugyada kansarka naasaha.
4.       Waxay kahortagtaa dhagxaanta kalyaha: Hadii aad la ildarantahay dhagxaanta kalyaha,inaad laba xabo oo liin dhanaan ah cuntada kudarsato in mudo ah waxay udhawdahay inay ku caawiso. Sobobta ayaa ah Liin dhanaanta waxaa ku jira citric acid,taasoo kordhinaysa kaadida,waxaynaa arrintaasi caawinaysaa gargaarka kalyaha. Daraasad ayaa lagu sameeya  bukaan qabay dhagaxa kalyaha, waxaa lasiiyay Liin dhanaan la miiray,waxaana soo baxday in ay kordhisay kaadidii ayna yaraysay cadadka calcium ee kujira kaadida, waxaana lagu taliyay in Liin dhanaanta la miiray oo la isticmaalaa ay tahay hab kale oo lagu daawayn karo dhagaxa kalyaha.
5.       Waxay Kordhisaa In Jirku Nuugo Birta ( Iron): Birtu waa macdan muhiim u ah jirkeena. Waa mid kamid ah waxyaabaha kujira hemoglobin oo laga helo unugyadda dhiiga cas cas,waxayna ka caawisaa jirka inu helo oxygenta uu u baahanyahay. Dad badan ayaa jira oo khatar ugu jira inay kudhacdo inay Birta kuyaraato jirkooda ( Iron deficiency). Dumarka da’da dhalmaada       (reproductive age) kujira ayaa kamid ah dadka khatarta ugu jira in Birtu ku yaraato jirkooda sobobtuna ay tahay dhiiga caadada ee ka imaanaya.Haddaba Vitamin C kujira Liinta wuxuu caawiya nuugitaanka Birta,wuxuuna ka hortagaa inay kugu dhacdo Bir yaraan.
6.       Waxay kor uqaadaa Caafimaadka Maqaarka: Liin dhanaantu waxay awoodaysaa maqaarka,waxayna ka dhigtaa mid iftiimaya,waxayna udhaqanta sida cuntooyinka la isku da’ yareeyo. Sida ugu wanaagsan ee ad u isticmaali kartaana waa; inaad mariso maqaarkaaga in yar oo liin la miiray ah,ama aad ku qasto waxyaabaha kale eed mariso maqaarkaaga.
7.       Waxay caawisaa Miisaan dhimista: Waxaa daraasad lagu ogaaday in haddaad hal koob oo soda ah ku darto biyo liin dhanaan leh ood isticmaasho maalin kasta mudo sanad ah,inu miisaankaaga ka dhacayo ilaa 5 kg qiyaastii adigoon waxba ka badalin cuntooyinkii kale eed isticmaali jirtay.

N.B: Waxaan dhamaan Akhristayaasha uga mahadcelinaynaa wakhtigooda,waxaanan ugu bishaaraynaynaa inaan idiin soo gudbin doono maqaalo badan oo faa’iido u leh nolosha,caafimaad iyo fayo-qabka bulshada. Maqaalka kan xiga waxaan idiinku soo gudbin doonaa sida loo isticmaalayo Liin dhanaanta si aad uga hesho faa’iidooyinkaas an kor kusoo sheegnay.