Breaking News

Warka

Muxuu yahay qaraarka 1267 ee Kenya ay dooneysay in loo adeegsado Al-Shabaab?


UNSCLahaanshaha sawirkaAFP

Kenya ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay in ururka Al-Shabaab la saaro cunnaqabatayn la mid ah midda saaran ururka Al-Qaacidda iyo kooxda la baxday Dawladda Islaamka.
Balse hay'adaha caalamiga ee deeq bixiyayaasha ayaa sheegay in tallaabadaas ay dhibaato xun gaarsiineyso malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Golaha Amniga uu diiday in Al-Shabaab lagu daro diiwaanka madow, kaas oo xannibaad adag saari lahaa ururka.
Qaraarka ay Kenya riixeysay oo tirsigiisu yahay 1267, haddii uu meelmari lahaa wuxuu xannibi lahaa waxkastoo ku socda deegaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.
Qorshahan wuxuu ku soo aaday xilli ay 2.2 milyan oo qof oo Soomaali ah, oo u dhigma 18 boqolkiiba bulshada oo dhan, ay wajahayaan abaar ba'an.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle), ayaa sheegay in ay layaab ku noqotay in Kenya ay dalbatay in Al-Shabaab lagu daro qaraarkan 1267.
"Mushkiladdu ma ahan cunaqabateyn dheeraad ah. Sababta aan uga hornimid waa arrinta gargaarka", ayuu yiri Abuukar Baalle oo BBC Somali la hadlay.
Ururka Al-Shabaab waxaa hadda saaran cunaqabateyn ballaaran oo Qaramada Midoobey ay ku soo rogtay Soomaaliya.
Sannadkii 1992-dii ayey Qaramada Midoobey Soomaaliya gelisay cunaqabateyn saameyneysa "dhammaan dadka iyo kooxaha loo arko in ay amniga caqabad ku yihiin", sida uu xaqiijiyay Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobey.
"Sannadkii 2007, waxaa Al-Shabaab lagu daray qaraarkaas tirsigiisu yahay 751 oo sheegaya in dhammaan kooxaha argagixisada ah in laga hor istaago meelaha hub iyo dhaqaale uu ka soo galo".
Kenya kama aysan jawaabin arrimaha ugu dambeeyay iyo in Golaha amniga uu diiday "in Al-Shabaab lagu daro diiwaanka madow" ee ay ku jiraan ururada kale.
Dalka wuxuu inta badan ku tiirsan yahay gargaar ay bixiyaan hay'adaha caalamiga ah oo la geeyo goobo ay ka mid yihiin deegaannada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa qaraarka ku tilmaamay mid caqabad ku noqon kara arrimaha gargaarkaLahaanshaha sawirkaUN
Image captionDanjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa qaraarka ku tilmaamay mid caqabad ku noqon kara arrimaha gargaarka

Xayiraadda hadda saaran ma ahan mid saameyneysa hay'adaha Qaramada Midoobeey in ay gargaar geeyaan dalka oo dhan.
Qaraarkan cusub haddii uu meelmari lahaa wuxuu ku qasbi lahaa in dhammaan dalalka xubnaha ka ah QM inay hubiyaan in muwaadiniintooda aysan wax dhaqaale ah u dirin deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab ama cid walba oo ku sugan dalalkooda.
Qorshahan wuxuu hor istaagi lahaa in hay'adahaas ay ka howlgalaan deegaannada Al-Shabaab, sidoo kale waxay caqabad ku noqon lahayd Qurba Joogta lacagta u soo dira Soomaaliya. Waxaa laga hor istaagi lahaa in ay lacag u xawilaan ehelladooda ku sugan deegaannada Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.
Balse Kenya ayaa dooneysa in gacan bir ah lagu qabto ururka ka dib dhowr weerar oo uu dhiig badan ku daatay oo dhulkeeda ay alshabaab ku qaadday.

Digniinta Hay'adaha

"Tallaabooyiin noocan ah wuxuu saameyn ku yeellan doonaan gargaarka oo dembi noqon doona," ayuu yiri madaxweynaha hay'adda Qaxootiga Caalamiga ah, Eric Schwartz, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Wuxuu intaa ku daray, "Tallaabo kaste oo caqabad ku noqon karta gurmadka horudhaca ah ee hadda, wuxuu yeelan doonaa saameyn aad u xun oo joogto noqota."
Haddii "dalna uusan diidi lahayn" illaa 29-ka bishan August, 2019, in Al-Shabaab lagu daro diiwaanka madow ee Qaramada Midoobey, ee qaraarka 1267, si degdeg ah ayaa lagu dhaqan gelin lahaa.
Ka dib waxaa shaki la gelin lahaa malaayiin dollar oo gargaar ah oo Soomaaliya loo diro.
Sidoo kale, waxaa la xannibi lahaa dhaqaalaha mushaarka ah ee hay'adaha ay bixiyaan, iyadoo la eegi lahaa sida ay ugu hoggaansamayaan cunaqabateynta, sida ay Reuters ka soo xigatay hay'ad gargaar oo fadhigeedu yahay magaalada New York, oo Qaramada Midoobey kala shaqeysa arrimahan.

No comments