Kenya oo codsatay in dib loo dhigo dacwada badda
Maxaa Kenya ku khasbay inay codsato dib u dhigista dacwadda muranka badda ee Soomaaliya?
Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dib loogu dhigo dacwadda la xiriirta muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ee horyaalla maxkamadda ICj, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, ee kasoo baxa Waddankaas.
Kenya ayaa arrintan u sababeysay in ay u baahantahay sidii fursad loogu siin lahaa inay qorato qareenno dheeraad ah oo difaaca.
Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in dhageysiga kiiskan uu billaaban doono 9-ka bishan Sitembar oo ku aaddan Isniinta soo socota.
Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika oo shir ku yeeshay Addis Ababa, ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda ku saabsan Badda ay isku hayaan Soomaaliya, ee ay sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaaca.
War saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayey ku sheegtay inay ku gacan seyrtay dalabka Kenya ee muddo kordhinta ah.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka guddiga amniga ee Midowga Afrika ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo.
"Kenya inay tiraahdo dacwaddii aan wadnay waxaan dooneynaa in dib loo dhigo oo ay ka codsato maxkamadda waxay ka dhigantahay inay dooneyso in qaabab kale wax lagu xalli
No comments