Breaking News

Wasiir Beyle oo shaaciyey in DF aysan ka hortagi karin dakhliga Al-Shabaab ka hesho Muqdisho

1' 
HomeWararWasiir Beyle oo shaaciyey in DF aysan ka hortagi karin dakhliga Al-Shabaab...

Wasiir Beyle oo shaaciyey in DF aysan ka hortagi karin dakhliga Al-Shabaab ka hesho Muqdisho

Muqdisho (badmaceye.tk) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa shaaciyey in xukuumadda federaalka aysan ka hortagi karin dakhliga ay Al-Shabaab ka hesho magaalada Muqdisho.
Beyle oo la hadlayey wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa qiray in dowladdu aysan laheyn awood ay ku joojiso dhaqaalaha faraha badan ee kooxda Al-Shabaab ka hesho gudaha Caasimada.
“Waa xaalad cabsi ah, ma heyno awood aan ku wajanho arrinaasi” ayuu yiri wasiir Beyle, isagoo ku sugan dalka Japan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalyahannadooda ay joogaan meel kasto, iyaga oo isku ekeysiinaya shacabka.
“Dhibaatada waa mid hal nooc ah Al-Shabaab waa Soomaali, sida aniga ama qof kale meel walba ayey joogaan, waana naga mid yihiin” ayuu hadalkiis sii raaciyey.
Al-Shabaab ayaa malaayiin Doller sanad kasta ka hesha Muqdisho, iyadoona canshuur ka qaada dekedda iyo ilo kale oo muhiim ah.
Sdioo kale waxay lacago Zakawaat ah iyo Canshuur ka qaadaa ganacstada oo tega deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Hadalka ka soo baxay wasiirka Maaliyadda oo ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus xukuumadda ayaa dhabar jab ku ah dowladda federaalka, sidoo kale wuuxuu niya-jab ku sii ridayaa ganasatada Soomaaliyeed.

No comments