Goodax Barre ayaa magacaabay guddiga ku meel gaar ah oo ka shaqeyn doona Tacliinta Sare, Guddigan ayaa waxuu ka koobanyahay Shan xubnood oo kala ah guddoomiye, ku-xigeen iyo Seddex xubnood.
Hase yeeshee wareegtada ayaan lagu sheegin howlaha ay qaban doonaan lagu magacaabay guddigaas ayaa lagu sheegay in wasiirku uu dib kasoo saar doono habka ay u howlgali doonaan.
Cabdullaahi Goodax barre wasiirka Waxbarashada,Cabdiraxmaan Maxamuud Cadulle jaabiri wasiiru Dowlaha wasaaraddaasi Xildhibaan Cali Cismaan (Cali Jowhar) guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka iyo Prof Cismaan Maxamuud Dufle guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka Sare ayaa si wada jir ah u sheegay in ay tahay talaabo dhanka horumarka ah loo qaaday tayaynta Taclinta sare ee dalka.