Breaking News

Dowladda Soomaaliya: Dhamaan duulimaadyada taga Kismayo waa in ay soo maraan Muqdisho

Dowladda Soomaaliya: Dhamaan duulimaadyada taga Kismayo waa in ay soo maraan Muqdisho



Garoonka aadan caddeLahaanshaha sawirkaSBC

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar la xiriira diyaaradaha ka hawlgala Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay inay wax ka badaleyso.
Hay'adda duulista hawada ee Soomaaliya ayaa shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay in dhamaan duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ee kusii jeedaa Magaalada Kismayo ay soo maraan Muqdisho.
Weriyaha BBC-da ee Magaalada Muqdisho, ayaa kusoo warramay in arrintan ay u xaqiijiyeen ilo ku dhow dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Tallabadan waxay imaneysaa iyadoo toddobaad laga joogo markii ay qabsoontay doorashadii Jubaland ee uu muranka ka dhashay, taas oo uu ku guuleystay Axmed Madoobe.
Musharrixiintii mucaaradka ayaa sheegay in ay diideen hannaankii doorashada, waxayna dhankooda kala sheegteen in ay kala doorteen laba "madaxweyne" oo kale.
Balse, lama oga sababta ay dowladda federaalka Soomaaliya u joojisay doollumaadyada caalamiga ah ee toos u taga magaalada Kismaayo.


Goonka KismaayoLahaanshaha sawirkaAMISOM

Magaalada kismayo waxaa taga duuliimaadya badan oo isugu jiro kuwa maxali ah iyo kuwa caalami ah, waxaana sidoo kale Kismayo taga duulimaadyo kale oo ah kuwa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya.
Arrintan ayaan la ogeyn sida ay u dhaqan geli doonta iyo tallaabada ay dowladda Soomaaliya ka qaadi karto kuwa ku xadgudba amarkan.
Waxay tallaabadan uga sii dari kartaa xiisaddii u dhaxeesay dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka goboleedka Jubbaland.
BBC-a oo la xiriirtay maamulka Jubaland, si aynu wax uga weydiino amarkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya, waxay sheegeen in aysan war u hayn weli ayna xaqiijinayaan arrintan, ka dibna ay ka arrinsan doonaan.
Ma cadda in go'aankan uu saameynayo dhammaan diyaaradaha caalamiga ah ee toos u taga magaalooyiinka kale ee Soomaaliya sida garoowe oo Diyaaradda Itoobiya ay tagto.

No comments