Kenya oo ka jawaabtay eedeyn kulul oo kaga timid Soomaaliya


DhuxulLahaanshaha sawirkaSBC

Waxay u muuqataa in xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu sii xumaanayo, iyadoo labada dal ay eedeymo isu marinayaan warbaahinta.
Waxaan u dambeeyay qorshe ay damacsaneyd dowladda Kenya, kaas oo ahaa in dowladda Kenya ay dooneysay in ururka Al Shabaab lagu daro liiska argagixisada ee caalamka, taa oo ay diideen Golaha Ammaanka ee Qaramad Midoobay.
Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in askarta Kenya ay qeyb ka tahay dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.
"Waxaa shaki weyn na geliyay in Kenya oo aan ognahay, caddeyma na la hayo oo Qaramada Midoobay gudiga u qaabilsan cunnaqabateynta ay kusoo qoreen in sanadihii dambe oo dhan ay aksarta Kenya qeyb ka tahay dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya, oo ah meesha ugu badan ee ay dhaqaalaha ka helaan Al Shabaab", ayuu yiri Abuukar Baale.
Wuxuu intaa raaciyay in shaki weyn ay ka qabaan ujeedada ay Kenya ka damacsanayd arrinkan.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa warbixin hore ku shaaciyay in dekadaha dhuxusha laga qaado ay ku yaallaan magaalooyinka Kismaayo iyo Buur Gaabo, waxaana magaalooyinkaas si buuxda u jooga ciidanka Kenya ee ka hoos shaqeeya howlagalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee Amisom.
Warbixinta cusub ayaa lagu sheegay in kooxda daba galka ee qaramada Midoobay "aysan gacan ka helin AMISOM" markii ay bishii Luulyo ee sannadkan isku dayayeen iney wax ka ogaadaan howlaha dhoofinta dhuxusha ee dekedda Kismaayo.
"Waxay Al-Shabaab ku naallooneysay dakhli badan oo uga soo xarooda dhuxusha laga dhoofiyo Koonfurta Soomaaliya, iyadoo ay halkaas joogaan ciidamada milatariga ee midowga Afrika", sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay.
Dowladda Kenya ayaa u beenisay eedeymaha la xiriira in ay ciidankeeda lug ku leeyihiin dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada Kenya, Paul Njuguna, ayaa sheegay in "Shaqada AMISOM oo KDF ay ka mid yihiin ay tahay in ay ka qeybgalaan howlgallada lagu taageerayo nabadda iyo raadinta xasilloonida dalka" Soomaaliya.
Ciidanka Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa AMISOM ee ka socda midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta. "Waxaan sameyneynaa xaalado suuragelin kara howlaha gargaarka", ayuu yiri Njuguna.
"Eedeyn kasta oo la xiriirta ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaq kale waa mid aan sal lahayn. Kenya waxay tahay ayna sii ahaan doontaa isbedelka taariikhda muqaawamada Soomaaliya. Dadaal kastoo lagu weji xumeynayo qeybtaas taariikheedna waa mid aan waxtar lahayn", ayuu hadalka ku daray afhayeenka ciidamada KDF.
Wuxuu intaa ku daray Mr Njuguna: "Waan sii wadeynaa in aan la shaqeyno Dowladda iyo dadka nabadda jecel ee Soomaaliya si aan u xaqiijino in nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada ay noqdaan kuwo dhab ah oo jira".
Qaramada Midoobay, ayaa warbixin ay sannad kahor soo saartay ku sheegtay in muddadii u dhexeysay 2011 illaa 2017, dhulka Soomaaliya laga jaray sideed milyan oo geed.
Dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa iyaduna waxay soo saartay amar ay ku mamnuucayso dhuxusha sababtay in la xaaludiyo deegaanno badan.
Xafiiska xeer Illaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr Axmed Daahir ayaa horay u sheegay in baaritaanno lagu hayo dhoofka dhuxusha ee Soomaaliya, kaas oo ay la kaashanayaan hay'adda booliiska adduunka ee Interpol iyo tan Afrika ee Afripol.