Breaking News

Mo Salah (second left)Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMaxamed Salaax (qofka labaad ee bidix) ayaa gool dhaliyay dhammaan 5-tii ciyaarood ee uu Horyaalka Ingiriiska ka dheelay maalin Jimce ah
Kooxda Liverpool ayaa qeybtii hore ee ciyaarta waxa ay dhalisay afar gool oo ay ku af bilowdeen xilli ciyaareedka cusub ee Horyaalka Ingiriiska.
Ciyaartan ayaa aheyd mid ay kooxda Liverpool ku soo bandhigtay hab ciyaareed wanaagsan oo ay daadka ku raacisay kooxda dhawaan ku soo biirtay Horyaalka Ingiriiska ee Norwich oo ay ku wada dheeleen garoonka Anfield.
Kabtan kooxda Norwich Grant Hanley ayaa goolkii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan shabaqa kooxdiisa cuksiiyay kaddib laad uu u soo dusiyay Divock Origi.
Maxamed Salaax ayaa dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta kaas oo uu u soo dhigay laacibka reer Brazil Roberto Firmino halkaasna waxa uu Salaax ku furay koontada goolasha ee xilli ciyaareedkan.

No comments