Breaking News

Trump ma sawir sir ah ayuu milatariga ka baahiyay?

Trump ma sawir sir ah ayuu milatariga ka baahiyay?

Donald Trump ayay u badan tahay in uu jeexay waddo ay madaxweyneyaashu Twitterka ku soo dhigi karaan waxyaabo sir ahLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionDonald Trump ayay u badan tahay in uu jeexay waddo ay madaxweyneyaashu Twitterka ku soo dhigi karaan waxyaabo sir ah
Madaxweyne Trump ayaa dajiyay dabci ku cusub madaxweynenimada.
Ma aha oo kali ah in uu Twitter-ka soo dhigay sawir ay tayadiisu aad u sarrayso oo saterlite-ka lagu qaaday oo sir ah badanaana milatariga uun laga helo, kaas oo muujinaya meel waxyaabaha hawada sare loo dirayo lagu tijaabiyo oo Iiraan leedahay oo ay ka muuqato burbur baaxad leh, ka dib markii qarax la maqlay.
Intaas ka badan ayuu sameeyay oo wuxuu u muuqday in uu ka caraysiinayay Iiraan, isaga oo ku adkaystay in Maraykanku uusan gacan ku lahayn "shilka masiibada ah" balse sidoo kale Iiraan ayuu u rajeeyay "nasiib wanaagsan" si ay u ogaato waxa dhacay.
Screenshot of President Donald Trump's tweetLahaanshaha sawirkaTWITTER
Presentational white space
Arrintaasi ma jeesjees madaxweyne ayay ahayd mise xog la-aan ayay ahayd?
Ma waxa uu tilmaamayay in qolo kale oon Maraykanka ahayn ay ku lug lahayd?
Mise waxay iska ahayd dabeecaddii joogtada ahayd ee madaxweynuhu uu ku sheegi jiray waxa koobaad ee madaxiisa ku soo dhaca?
Way adag tahay in laga jawaabo. Soo farogalinta Trump ee arrintanna waxay dhalisay su'aalo ka badan jawaabaha laga helay.

No comments