Layaabka dunida
Haweeneydii "ugu miisaanka cuslayd dunida" oo geeriyootay
Haweeney u dhalatay dalka Masar oo mar la aaminsanaa in ay ahayd qofka dunida ugu buuran ayaa ku dhimatay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Eman Axmed Cabdi El Aty ayaa loo qaaday Hindiya horraantii sanadkan si loogu sameeyo qalliin lagu caataynayo.
Warbaahinta qaar ayaa sheegay in culeydkeeda laga yareeyay illaa 300kg, balse ay u dhimatay xaalado kale oo caafimaad oo soo wajahay.
Qoraal uu soo saaray cisbitaal ayaa lagu sheegay in gabadha, oo 37-sano jir ahayd, ay ku dheceen xanuunada wadnaha iyo kelyaheeda oo shaqayn waayay.
- Gabadhii 'ugu cuslayd adduunka' dawayn dheeri ah ayay u baahan tahay
- Daraasad lagu ogaaday in guurka uu caafimaad ku jiro
- 'Adoo cayilan baad caafimaad qabi kartaa waa quraafaad'
- Saynisyahanno sameeyay Antibiyootig cusub
"Waxaan u tacsiyeyneynaa qoyskeeda", ayaa lagu yiri qoraalka cisbitaalka.
Eman Axmed waxay magaalada Abu Dhabi ku sugneyd tan iyo bishii May, ka dib markii laga soo qaaday Hindiya oo qalliin gaar ah loogu sameeyay.
Ka hor intaan qalliinka lagu sameyn, qoyskeeda waxay sheegeen in aysan guriga ka bixin muddo 25 sano ah.
Ka dib markii olole caafimaad ay u sameysay walaasheed, waxaa Hindiya lagu geeyay diyaarad gaar ah, waxaana caawiyay mid ka mid ah dhaqaatiirta Qalliinka ee Mumbai.
Laakiin waxaa loo soo qaaday Abu Dhabi ka dib markii qoyskeeda iyo dhaqaatiirta Mumbai ay isku khilafeen arrinta ah in buurnaanteeda la dhimay. Qosyka ayaa arrintaa shaki geliyay.
Lamaane Shiinays ah oo 200 oo baranbaro la galay garoon diyaaradeed
Masuuliyiinta canshuuraha ee dalka Shiinaha oo ku sugnaa garoon diyaaradeed ayaa la kulmay arrin layaab leh ka dib markii ay fureen boorso ay lamaane wateen, taas oo ay ka heleen 200 oo baranbar oo waliba nool, sida ay sheegeen.
Sida uu qoray wargeyska Beijing Youth Daily, laamaha ammaanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Baiyun International Airport ee magaalada Guangdong ayaa arkay in waxa boorsada ku jira ay nuuxnuuxsanayaan ka dib markii ay boorsadu dhex martay mashiinka wax lagu baaro.
Arrintan layaabka leh ee lagu arkay lamaanahan da'da ah ayaa dhacday 25 Nofeembar.
"Meesha waxaa ku jiray bac ay ka dhex dhaqdhaqaaqayeen waxyaabo badan oo madmadaw," sida Kankan News ay u sheegay Xu Yuyu oo ilaalada ka mid ahayd.
"Gabadh ka mid ah shaqaalihii ayaa markaas furtay boorsada, baranbaro ayaana ka soo yaacday. In ay ooydana waxyar baa uga dhimanaaa ," ayayna hadalkeeda ku sii dartay.
Markii la waydiiyay sababta ay u safrinayaan baranbaraha, ninkii ayaa masuuliyiinta garoonka u sheegay in ay xaaskiisu jirka marsato.
Ma uusan sii faahfaahin xaaladda xaaskiisu ku sugan tahay, laakiin Yu ayaa sheegtay in masuuliyiinta loo sheegay in ay tahay nooc dawo ah oo waayadii hore la isticmaali jiray. Inta kareen dawo ah lagu qaso baranbarta ayaana jirka la marsadaa."
- Waxaan guri wadaagnaa aabahay oo mayd ah
- Wiilka yar ee ninka tujaarka ah u eg
- “Wax aad u yaab leh” Liibaax dhedig ah oo xannaanaysa Harmacad
- Waa maxay sababta ay qaaliga u tahay diyaaradda madaxwaynaha Maraykanka?
Beijing Youth Daily ayaa sheegtay in aan la ogolayn in wax nool lala galo diyaaradda gudaheeda iyadoo lagu wato boorsada gacanta, lamaanihiina ay ogolaadeen in ay kaga tagaan laamaha ammaanka. Lamana oga meesha ay baranbarahaasi ku dambeeyeen.
Ma aha markii koobaad ee laamaha ammaanku ay wax layaableh ka dhex arkaan mashiinnada ammaanka lagu baaro
Bishii Agoosto saraakiisha ammaanka ayaa helay nin safrinaya labo gacmood oo binii'aadan ka dib markii ay ka soo dhex muuqdeen mashiinka x-rayg loo yaqaanno ee ammaanka lagu baaro kaas oo lagu arki karo waxa boorsada gudaheeda ku jira.
No comments