Breaking News

Odayaasha dhaqanka Cadaado oo diiday in ay ka qeyb galaan shirka Dhuusamareeb ka furmaya.



Odayaasha dhaqanka Cadaado oo diiday in ay ka qeyb galaan shirka Dhuusamareeb ka furmaya.

Sep 2, 2019


Cadaado-badmaceye.tk-Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Cadaado oo maanta kulan ku yeeshay Magaaladaasi ayaa waxaa ay sheegeen in inaysan ka qeyb aheyn shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee dhawaan ka furmayo Magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.
War qoraal ah oo ka soo baxay odayaasha ayaa waxaa ay ku sheegeen inaysan  jirin cid ku metesha shirkaasi oo ka qeyb-galeysa, kadib markii shalay ay Magaalada Dhuusamareeb tageen Odayaal la sheegay inay dadka reer Cadaado ku metelayaan shirkaasi,kuwaas oo ka baxay Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Odayaasha Cadaado ayaa sheegay in shirkaas aysa ka qeyb geli doonin ilaa iyo inta laga xalinyo Cabasho ay qabaan,iyagoona Caddeeyay in shirkaas aysan uga maqneyn tabasho ay u qabaan Beelaha degan deegaanada Galmudug

No comments