Shan shuruud oo ay Somaliland ku xirtay wadahadal ay la yeelato Soomaalia

.Lahaanshaha sawirkaXAFIISKA AFHAYEENKA M JSL
Image captionGolaha wasiirrada ee Somaliland ayaa dood kulul ka yeeshay arrintan
Golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa kulan ay yeesheen uga dooday arrimaha ku saabsan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
War-saxaafadeed laga soo saaray kulankaas, oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in goluhu ay hoosta ka xarriiqeen in dib loo billaabo wadahadallada, waxaana lagu xiray shuruudo dhowr ah.
Sida ku xusan bayaanka, kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wasiirrada, oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu gorfeeyay muhiimadda uu leeyahay wadahadalka labada dhinac.
Waxaa dhinaca kale shirkan lagu soo qaaday heshiisyadii ay labada garab horay ugu galeen kulamadii dhex maray, kuwaasoo Somaliland ay sheegtay "In dowladda Soomaaliya ay dhankeeda ka hirgalin weysay", sida uu shaaciyay afhayeenka madaxtooyada Somalialnd Maxamuud Warsame Jaamac.
Shuruudaha ku xiran wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland
.Lahaanshaha sawirkaXAFIISKA AFHAYEENKA M JSL
Image captionMadaxweynaha Somaliland ayaa shir-guddoominayay kulankan
Golaha Wasiirada ee go'aankan ku dhawaaqay ayaa qiray inay muhiimad weyn leeyihiin wadaxaajoodyada laakiin waxay war-saxaafadeedkan ku sheegeen dhowr shuruud oo ay ku xireen in dib loo billaabo wadahadalka.
1. In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo.
2. In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan.
3. In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay'adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay'aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay'adda dawladdeed ay khusayso.
.Lahaanshaha sawirkaXAFIISKA AFHAYEENKA M JSL
Image captionWadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad ku jiray in muddo ah
Arrimntan ayaa kusoo aadday xilli dhawaan wasaaradda qorsheynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay saxiixday mashruuc lagu disayo waddooyinka magaalooyinka Bebera iyo Muqdisho, kaasoo ay maal galinayaan midowga Yurub.
Tallaabadaas oo ay si weyn uga carootay Somaliland ayaa sii xoojisay khilaafka labada dhinac, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya shaaciso inay ku lug leedahay mashruuc saameynaya deegaannada ka tirsan Somaliland.
Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Somaliland
.Lahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA
Image captionFarmaajo ayaa shaaciyay magacyada guddiga qaran ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto wareegto uu soo saaray bishii Juulyo ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.
Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:
1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).
2. Dr.Cali Siciid Fiqi.
3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).
.Lahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA
Image captionGuddiga la magacaabay ayaa laga dhowrayaa inay keenaan xal waara
Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi'da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.
Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:
1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.