Wiil "indho la'aan" ka qaaday cunidda .....
Wiil "indho la'aan" ka qaaday cunidda baradho la shiilay
GETTY IMAGES
Khubarada waxay ka digayaan halista "cunto iska badinta" ka dib markii will 17 jir ah uu beelay araggataas oo aan dawo lahayn. Waxay ka dhalatay inuu cuni jiray baradho la shiilay oo ah Chips (Jibsi) iyo Crisps.
Dhaqaatiirta indhaha ee magaalada Bristol ee dalka Britain ayaa daweynaya wiilka dhallinyarada ah ka dib markii xaaladda aragga indhihiisa ay gaareen marxalad aan waxba laga qaban karin.
Tan iyo markii uu ka baxay Dugsiga Hoose, wiilkan wuxuu cunayay Baradho la shiilay, Rooti cad iyo mararka qaar oo uu qaadan jiray hilib dubay.
Tijaabada waxaa ka muuqdo in fitamiinnada ay jirkiisa ka dhamaadeen iyo nafaqo la'aan dhibaato u geysatay.
Joogteynta xad dhaafka ah ee hal nooc oo cunto ah
Wiilkan oo aan magaciisa la shaacin karin wuxuu dhaqtarkiisa u tagay markii uu 14 jirka ahaa sababo la xiriiray in uu dareemayay daal iyo caafimaad daro. Xilligaas waxaa jirkiisa ka dhammaaday nafaqada B12, waxaana la siiyay dawo. Balse si wanaagsan uma isticmaalin, waxna kama uusan qaban qaabkii uu wax u cunayay.
Seddax sano ka dib, waxaa lagu celiyay cisbitaalka indhaha ee Bristol sababo la xiriira in araggiisa uu si degdeg ah u sii daciifayay, sida lagu qoray wargeys sannadle ah oo arrimaha caafimaadka ka warrama.
Dr Denize Atan, oo daweeysay waxay tiri: "Cuntadiisii maalinlaha ahayd ee ugu muhiimsanayd waxay ahayd chips. Wuxuu sidoo kale cuni jiray cunto fudud iyo Crisps. Mararka qaarna rooti cad iyo qudaar".
"Wuxuu taas ku sheegay in ay tahay in uu neceb yahay noocyo ka mid ah raashiinka uusanna u dulqaadan karin. Marka baradhada la shiilay ama la qallajiyay waxay ahaayeen noocyada keliya ee uu rabay inuu cuno."
No comments