Breaking News

Afar arrimood oo sii murjinaya arrimaha Somaliland iyo dowladda federaalka

Afar arrimood oo sii murjinaya arrimaha Somaliland iyo dowladda federaalka

  •  
   

Image copyright.Dhoofka Xoola
Image captionDhoofka Xoola
Waxaa isa soo taraya dhacdooyinka ugubka ah ee u muuqda in ay sii cakirayaan arrimaha Somaliland iyo dowladda federaalka oo markii horeba sii murugsanaa.
Arrimaha cusub waa kuwa lagu doodi karo in labada dhinacba ka socdaan, balse dhinaca Somaliland oo kaliya ay mas'uuliyiinta iyo saxaafadda si furan uga hadasho. Waxaanse kasoo qaadanaynaa afar dhacdo ee ugu dambeeyay, kuwaas oo ifafaale u ah halka arrimuhu usii jiheysanayaan.

Dhoofka Xoolaha

Iyada oo aysan ciddina ku baraarugsanayn, ayay qeylo kasoo yeertay jamhuuriyadda iskeed madaxbanaaninada ugu dhawaaqday ee Somaliland in dareen cusub ka jiro arrimaha dhoofka xoolaha oo muddo badan si caadi ah ku socday.
Dhoofka xoolaha ee waddamada khaliijka ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha Soomaalida.
Inkasta oo xoolaha ay ka tagaan inta badan deegaanada Soomaalida ee Geeska Afrika, haddane meelaha ay inta badan ka dhoofaan waxaa ka mid ah dekeda Berbera ee Somaliland maamusho, waxayna ahayd arrin muddo badan aanan lagu qashqashaadin maamulkaas, islamarkaasna uu ka helo daqli wanaagsan oo kaba miisaaniyadda sannadka.
Hase yeeshee hadda waxaa soo korortay xaajo ugub ah oo mas'uuliyiinta Somaliland ay liqi la'yihiin, taana in mid ka mid ah dalalkii xoolaha loo dhoofinayay oo ah Sucuudiga uu shuruud ka dhigay in xoolaha laga soo dhoofinayo Berber ay qasab tahay in ay heystaan shahaadada wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi.
Wasiirka ayaa xalka kaliya ee arrintaas looga hortagi karo u arka in gebi ahaanba la joojiyo dhoofka xoolaha halkii warqad laga soo qaadan lahaa dowladda federaalka Soomaaliya.
Dowladda federaalka wax hadal ah kama aysan soo saarin arrintan, balse waxaa la ogyahay in xiriirka Sucuudiga iyo Soomaaliya uu wanaagsanyahay.

Taleefishinka Qaranka ee SNTV

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay deegaanada ay maamusho gebi ahaanba ka mamnuucday in laga daawado taleefishinka Qaranka Soomaaliya ee SNTV.
Inkasta oo maamulka uu sidoo kale mamnuucay labo taleefishin kale oo gaar loo leeyahay, kuwaas oo lagu eedeeyay falal ka baxsan anshaxa saxaafadda, haddane ma aysan sheegin sababta SNTV hawada looga saaray.
Amarka shaqo joojinta SNTV oo inta badan toos u tabiya munaasabadaha ay qabato dowladda Soomaaliya, shacabkana kala hadlaan madaxda ayaa loo gudbiyay shirkadaha qeybiya xarkaha adeegyada taleefishinada.
Waxaase xusid mudan in amarkan uu kusoo hagaagayo xilli magaalada Muqdisho looga diyaargaroobayo xuska maalmaha xoriyadda oo ay ka mid tahay maalinta 26-ka June oo ah maalintii xornimada Ingiriiska siiyay gobolada waqooyi oo hadda la'isku yiraahdo Somaliland.

Calanka Soomaaliya

Waxaa dhowaan xabsi ku yaala Hargeysa laga soo siidaayay wiil dhallinyaro ah oo muddo bil ka badan ah u xirnaa kadib markii ay ciidanka soo qabteen isaga oo xiran dhar ka samaysan midabada calanka Soomaaliya.
Wiilkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Aar ayaa soo xirtay maaliyadda rasmiga ah ee xulka qaranka Soomaaliya oo ka samaysan midabka calanka Soomaaliya.
Dastuurka Somaliland kuma qorna in ay dembi tahay ciddii xirata dhar laga sameeyay calanka buluugga ah ee xiddigta dhexda ay uga taallo. Sidoo kale, madaxda Somaliland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dembiga lagu oogi karo ninkaasi la xiray.

Somaliland oo u codeysay Kenya

Shir dhowaan ka dhacay dalka Murishis ayaa dowladda Kenya loogu doortay in ay hoggaamiso hawlgalada la dagaalanka burcad badeeda xeebaha Soomaaliya.
Shirkaas waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland, kuwaas oo BBC-da u sheegay in ay u codeeyeen in Kenya loo doorto xilkaas.
Agaasimaha hay'adda la dagaalanka burcad baddeeda Somaliland Maxamed Cusmaan oo ay BBC-da weeydiisay in Kenya ay xilka cusub u isticmaali karto ayaa ku jawaabay "Kenya iyada ayay u taalaa sida ay u isticmaalayso awoodda la siiyay".

No comments